TOPNEWS:-Midowga Yurub oo dalbaday in la joojiyo dhaqaalaha la siiyo Ciidamada Burundi ee Soomaaliya jooga

0

Xubno katirasn Barlamaanka Midawga Yurub ayaa dalbaday in Kaalmada Midawga Yurub ay siiyaan Ciidamda AMISOM la xanibo qeeybta loogu talagalay kuwa Burundi oo katirsan Howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Qaraarkaas ayaa waxaa la hor geeyay Golaha Barlamaanka Midawga Yurub 5-tii Bishan Luulyo , Sidoo kale Xubnaha ayaa soo jeedintan Sameeyay waxa ay ka dalbadeen Guud ahaan wadmada Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya Arimaha Burundi in ay siweyn ula socdaan waxa ay ku tilmaameen in Kaligiis Talisnimo uu usii xuub siibanayo Madaxweeynaha dalkaasi Mudane Pierre Nkuruziza.

“Waxaan dalbaneeynaa in dib loo eego lacagta Ciidamda AMISOM ee Soomaliya gaar ahaan tan Ciidamada Burundi la siiyo, waxaana ka codsaneeynaa Qaramada Midoobay in ay dib u eegto arintan “ Sidaa ayaa waxaa qoraya qaraarka 2785 ee oo arinta Burundi lagu soo jaan go

Madaxweeyna Burudi Pierre Nkuruziza ayaa dalkaasi Xaalad qal qal ah Galiyay kadib markii uu isu soo sharaxayay doorashadii dalkaasi ka dhacday dhowr sano ka hor.