Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Belgium-ka

0

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulaya magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.

Safarkaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa ku wehlinaya xubno isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana magaalada Brussels ugu qeyb galayan shir looga hadlaya Arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb gali doonaan xubno ka socda AU, IGAD,EU,UN iyo wadamo kale.

Shirkaan ayaa intiisa badan waxaa diirada lagu saari doonaa Amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo dhinacyada shirkaas ka qeyb galaya ay ka doodi doonaan.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo kala duwan ay la qaataan xubnaha ka qeybgala shirkaas ka furmaya magaalada Brussels ee daka Belgium-ka.