Akhriso:-Taliyihii laga soo celiyay Kismaayo oo kulamo ka wadda Garbahaareey

0

Taliyaha cusub qeybta 43aad ee ciidanka Xoogga dalka Sareeyo Guuto Cali Maxamed Maxamuud oo ku sugan Magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa halkaasi ka wadda kulamo kala duwan oo uu la qaadanaayo Saraakiisha Ciidamada xoogga ee halkaasi ku sugan.

Taliyaha oo shalay gelinkii dambe gaaray Garbahaareey markii laga soo celiyay Magaalada Kismaayo, waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamo kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in maanta taliyaha uu xilka kula wareegi doono Magaalada Garbahaareey.