Akhriso:-Labo Kamid ah Saldhigyada Ciidanka Somaliland ee laascaano oo Xalay La Wareeray

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro qorshaysnaa oo rag hubaysani xalay saqdii dhexe ku qaadeen labo kamid ah saldhigyada ciidanka maamulka Soomaaliland ay kuleeyihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu qaaday mid kamid ah baabuurta dagaalka oo ay lahayd Somaliland, waxaana la gubay baabuurkaas oo uu saarnaa qori dagaal, iyadoona wararku intaasi ku darayaan inay ku dhinteen 3 askari.

Dhinaca kale weerarka labaad ayaa ka dhacay xero ay ciidanka Soomaaliland ku lahaayeen duleedka magaalada kaasi oo loo adeegsaday Qoryaha wawayn iyo qoryaha fudud mana cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.