Akhriso:-Colaada u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida oo sii xogaysatay

0

Wararka ka imaanaya deegaanada ay ku dagaalamayaan Soomaalida iyo Maleeshiyaadka Qoomiyada Oromada ayaa sheegaya in uu sii lixaadsaday dagaalka dhinacyadaas u dhaxeeya kadib markii shalay weerar Oromada ay ku qaaday Soomaalida ay ku dileyn inta la xaqiijiyay 6 ruux halka14 kalane lagu dhaawacay, weerarkaas oo ka dhacay degmo lagu magacaabo Mayaas.

Afar maalin ka hor ayey aheed markii sidaan oo kale xubno ka tirsan Qoomiyada Oromada ay weerar ku qaadeen Soomaalida islamarkaana sida la sheegay ay gowraceen ku dhawaad 5 ruux oo Soomaali ah oo wadada ay u galeyn.

Dagaalka u dhaxeeya Qoomiyada Oromada iyo Soomaalida ayaa sii xoogeysanaya waxaan dadka Soomaaliyeed ay sheegayaan in ayaga weerar lagu soo qaaday islamarkaana Oromada ay doonaan dhul balaarsi.

Deegaanada dhaca inta u dhaxeysa dhulka ay kala dagaan Soomaalida iyo Qoowmiyada Oromada ayaa waxaa sii kordhaya barakaca iyo qaxa labada dhinac ay sameynayaan.