TOP NEWS:- Madaxweynaha DDSI oo sheegay in loo Hanjabay

0

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa ku eedeeyey madaxii hay’adda sirdoonka Itoobiya, Getachew Assefa, inuu “cabsi galin iyo hanjabaad” ka waday deegaannadooda.

Madaxweynaha oo warbaahinta deegaanka waraysi siiyay ayaa sheegay in Getachew uu u dhaqmi jiray si ka baxsan nidaamka dalka iyo midka xisbiga uu ka tirsanaa ee talada dalka hayayba.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in caqabad weyn uu ahaa madaxii hore ee hay’adda Sirdoonka dalka, Getachew Assefa ee dhawaan xilka laga qaaday.

“Muddadii dheereyd ee uu xilka soo hayey wuxuu deegaanka soomaalida Itoobiya ku hayey” ayuu yiri “faragelin aan geed loogu soo gabban oo weliba sharci darra ah”.

Wuxuu ku eedeeyey cabsi gelin, hanjabaad, khiyaano iyo qofka oo dambi uusan gelin uu dusha ka saaro, si ka baxsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga talada haya ee isaguna uu ka tirsanaa.

“Faragelintiisuna waxay gaadhay heer uu shaqsiyaad madaxweynenimo u soo magacaabo oo ay xafiiska iigu yimaaddaan iyaga oo leh madaxweynenimo ayuu Getachew Assefa ii soo magacaabay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in arrimahaas ay ku wargeliyeen xisbiga talada haya.

Wuxuu ku eedeeyey in Addis Ababa uu ku uruurinayey shaqsiyaad uu sheegay inay deegaanka ka geysteen dambiyo ay ka mid yihiin dil, dhac iyo mususqmaasuq.