SAWIRRO:-Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaasha Askarta Oo Kormeer Ku Sameeyey Qaar Kamid Ah Xeryaha Ciidanka

0

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliyeed Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) , taliyeyaasha ciidanka qalabka sida, xoghayaha guddiga difaaca golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku sameeyeen qaar kamid ah xeryaha ciidanka xoogga dalka oo dib u dhis lagu sameyn doono.

Sareeyo gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa deegaanka Carbiska kula hadlay askar ka tirsan qeybta 12-ka April oo halkaas fadhiisan ku leh ayuu u sheegay in aan la oggolaan Karin in shacabka la dhibaateeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), Xoghayaha guddiga Difaaca golaha shacabka  xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo taliyaha ciidanka asluubta sareeyo guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sidoo kale hadal goobaabo ah u jeediyay ciidankaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado qorshe dib loogu dhisaayo ciidanka xoogga dalka waxaa hormuud u ah wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), waxaana uu faahfaahin ka bixiyay u jeedada kormeerkooda iyo dib u casriyenta ciidamad dowladda Soomaaliya.