SAWIRRO:-Mareykanka oo Shuruud Adag ku xiray Taageero uu siiyo Militariga Somalia

0

Taliyaha Taliska Guud ee Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), General Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kula yeeshay Aqalka Madaxtooyadda ee magaalladda Nairobi, oo ay kaga wada hadleen Ammaanka Geeska Afrika,  gaar ahaan Xaalladda ka taagan Somalia iyo South Sudan.

General Thomas Waldhauser waxa uu hoosta ka xariiqay in ay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Somalia ka taageeri doonaan muddo dheer oo ku xiran haddii ay DFS doonayaan inay oggolaadaan Taageeradda Maraykanka.

Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Guud ee Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) waxa uu ku ammaanay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Kaalinta dadaalkiisa ku aadan sidii Nabad looga dhigi lahaa Somalia iyo kaalinta ay Ciiddanka Kenya kaga jiraan Hawlgalladda Ciiddanka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.