SAWIRRO:-Gudoomiyaha gobolka banaadir oo daah furay wadatashiga siyaasada barakacayaasha

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta daahfuray wadatashiga Siyaasada Barakacayaasha oo usbuuc socotay taas oo qeybaha bulshada iyo hay’adaha amniga, garsoorka iyo wasaarada Arrimaha Gudaha lala yeelanayey.

Guddoomiye Yarisow oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayay sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha si ay u helaan xuquuqda uu muwaadin kasta oo Soomaaliyeed leeyahay, iyadoo aragtida fog ee maamulka G/Banaadir ay tahay in muddo 4 sano ah gudahooda xal waara loogu helo oo barakacayaasha ay helaan deegaan haqab tiri kara baahiyahooda.

“Aragtida fog ee Gobolka Banaadir waa in xal waara loo helo arrimaha barakacayaasha, gaar ahaan mudada aan qorshaynay ee afarta sano ah waxuu qorshuhu yahay in guud ahaan Caasimadda aysan yeelan xero barakacayaal oo dadkan loo helo xal munaasab ah oo uga mid noqonayaan bulshadooda.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho Mudane Eng. Yarisow.

Muddadii uu sharkan wadatashiga ah socday ayaa waxaa ka qaybgalayaashu ay xoogga saareen kuna tala bixiyeen in siyaasadda barkacayaasha ay ahmiyadda saarto xalka munaasabka ah, iyadoo ay dooda ka qeyb galeen Guddoomiyaasha 17 ka degmo, qeybaha bulshada sida haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, Taliyeyaasha Booliiska iyo wakiilo ka socday maxkamadda Gobolka Banaadir iyo khubaro ka socday shirkadda Tana Copenhagen ee laga leeyahay Denmark.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in siyaasadda barakacayaasha ay tahay mid xaqiijnaysa sidii loo heli lahaa xal mudeysan oo waara kaasoo laga gaaro barakaca Muqdisho, tani oo noqon doonto siyaasad hagta hanaankii lagu gaari lahaa xal kama danbeys ah.

Qodobada diiradda la saaray;

a. In Maamulka Gobolka Banaadir uu yeesho doorka hogaamineed, qorshayn, fulin, Qiimayn iyo xiriirin deeqaha loo qoondeeyo barkacayaasha Muqdisho si loo gaaro hadafkii laga lahaa iyo natiijo la taaban karo

b. In laga shaqeeyo tirakoob rasmi ah iyo diiwaangalin lagu sameeyo barkacayaasha Muqdisho sidoo kalana la ogaado goobaha aan rasmiga ahayn oo ay daganyihiin barakacayaasha

c. In maamulka uu xoogga saaro in barkacaasha doonayo in ay goboladii ay ka yimaadeen dib ugu laabtaan loo sahlo isagoo kaashanayo Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay khuseeyso loona abuuro shaqo iyo sidoo kale loo helo maalgalin beeraha iyo xoolaha oo ay ku helaan goboladii ay ka yimaadeen

d. Waxaa si xoogga diiradda loo saaray in Siyaasadda Barakaca ay qorshayso sidii loo heli lahaa dhul dib u dajin loogu sameeyo barakacayaasha si kumeel gaar ah ama rasmi ah ugu danbeyn taasoo ah mid ka mid ah xalalka ugu muhiimsan

e. Waxaa sidoo kale la bogaadiyay ahmiyadda ay leedahay in la abuuro Madal oo ay ku wada jiraan Mamaulka Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada ay ka yimaadaan Barakacaasha si looga wada tashado xal u helista barkacaha ku nool Muqdisho

f. Ugu danabyn waxaa ay ka qaybgalayaasha ku taliyeen in Maxkamadaha garsoorka ay qayb ka ahaadaan daneeyayaasha ku hoowlanaan doono xal u helista arrimaha barkaca Muqdisho dhinacyada cadaalad iyo garsoorka