Kalfadhiga Baarlamaanka HirShabeelle oo maanta ka furmaya Jowhar

0

Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa gaaray Madaxda maamulkaasi gaar ahaan Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo mudooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Jowhar uu ka furo Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka HirShabeelle oo fasax ku maqnaa mudooyinkii la soo dhaafay.

Baarlamaanka HirShabeelle ayaa markii uu furmo waxaa lagu wadaa iney ka hadlaan ajandayaal badan oo ay qeyb ka tahay amaanka wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad iyo dhibaatooyin kale oo ka jira deegaanada HirShabeelle.