Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta gaaray Magaalda Jowhar

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan,iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta KMG u ah Maamulka Hir-shabeelle.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxa qeyb ka ah Xildhibaanada labada Gole ee Dowladda,waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle Cismaan Barre Maxamed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa  ka qeyb galo Furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle oo ka furmau Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.