DHAGEYSO:-Xarun Al-shabaab ay ku tababarayeen Dhalin yarada ah oo duqeyn lala beegsaday

0

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsadeen saldhig dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulado lagu magacaabo Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolka jubada dhexe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ka dhacay ay u dhaxeyso Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo ka tirsan Jubbada Dhexe.

Ilaa iyo hada inta ogyahay hal gaari oo xamuul ah,ayaa goobtaasi ku baa’bay,iyadoona halka la duqeeyay ay tahay xarun ay dagaalamayasha Al-Shabaab wax ku barayeen dhalin yarada degaanka ee degan tuulada Xasan Kuusow.