DHAGEYSO:-Siyaasi Soomaaliyeed oo si Cad u taageeray Heshiiskii ay wada gareen Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea

0

Xili dhawaan Ra”iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed oo Heeshis dhinacyo badan taabaya la galay Dowladda Eritrea ayaa waxa inta badan Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ay u arkaan arintaasi mid aan markii loo geeyo Dhinaca Soomaaliya uusan u waangsaneen,maadama Soomaaliya iyo Itoobiya ay Cadaawad ka dhaxeeyso.

Siyaasi Abshir Maxamed Aadan oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Aragti aan fiicanayn ay tahay in Dadka Soomaaliyeed ay ku fikiraan in Dowladda Itoobiya ay Damacsan tahay in ay boobto Dhulka Soomaaliyeed,laakin arinta ay sidaas aheyn,waxa uuna tilmaamay in Dowladda Itoobiya ay bixineyso Dhul ay horay u heeysato,taasina ay tahay waaqi cusub laakin aysan fahmin Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.