Ciidamada Dowladda oo qof shacab ah ku dhaawacay Beladweyne

0

Askari ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa maanta qof shacab ah ku dhaawacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobolkaasi.

Sida dadka deegaanka ay u xaqiijiyeen warbaahinta qof shacabka ah ee la dhaawacay ayaa marayay Buundo Liiq-liiqato, halkaas oo uu ku dhaawacay mid ka mid ah Askarta fadhisay koontarool halkaas ay ku leeyihiin Ciidamada Dowlada.

Qofka la dhaawacay ayaa la sheegayaa in dhaawaciisa uu daran yahay haddana lagu dabiibayo isbitaalka dhexe ee magaalada Beladweyne.

Lama oga sababta ka dambeysa in Askariga ka tirsan Ciidamada dowlada uu dhaawaco qofkaasi shacabka ah, mana jiraan ilaa iyo hadda cid ka hadashay dhacdadaas