TOPNEWS:-Imaaraada Carabta Oo Shaaciyey Kaalinta Uu Ku Lahaa Heshiiska Itoobiya Iyo Eretria

0

Wasiirul dawlaha arimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta Mr Anwar Bin Maxammed Qarqaash ayaa in Imaaraadka carabta xidhiidhadiisa Geeska Africa ay yahiin kuwo taagan oo uu maamuus iyo Ixtiraan uu ku kasbadey  arimaha ka jira africa.

Xidhiidhada uu wasiir Anwar Qarqaash sheegay in uu dalkiisu ku noqdey jaal la xurmeeyo ayaa waaa ka mid ah maalgashiga ay dawlada Imaaraadka Carabtu ay ka sameysay dekada Berbera wuqooyiga soomaaliya

Waxaa uu wasiirku sheegay in la macaamilka Geeska Afircaay tahay arin khatarteeda iyo fursadaheedu ay is barbar yaalan , laakiin mihiimada uu gobalkani u leeyahay dunida carabtu ay qasab ka dhigeyso in xidhiidh fiican la macaamil togan layeelato.

Waxaa kale oo uu wasiirku si dadban u iftiimiyeykaalinta ay dawladiisu ku laheyd isku soo dhawaan shahay dawladaha Itoobiya Iyo Eretria oo muddo labadaan sanno ah Colaad dhiig badani ku daatey ay u dhaxeysay .

Wasiirka oo hadaladan ku faafiyey barta uu ku leeyahay shabakada ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Twitter- ka oo uu si aad ah wararkiisa ugu faafiyo ayaa waxaa uu ugu horeyn ka hadalayaa arinta khatarta iyo fursadaha is bar bar yaala ee uu ku sheegay gobalka Geeska Africa isaga oo qoraalkiisa ku bilaabay

” Dabcan xidhiidh siyaasi oo lala yeesho Geeska Africawaxaa ku ladhan khataro iyo fursado is barkan lakiin ku xidhnaata gobalkani waxaa ay lagama maarmaan u tahay Amniga iyo horumarka dunida Carbeed ” wasiir Qarqaash ayaa waxaa uu intaas ku sii daray

“Siyaasada Imaaraadka carabta ee ku dhisan Macmiil wakhti dheer ah oo xaqiiqda ku fadhiya ayaa maamuus iyo ixtiraam uu kaga kasbadey gobalka Geeska iyo dunada-ba ”

Wasiir Anwar Qarqaash oo wali sii qoraaya qoraaladiisa uu arintan kaga hadlaayo ayaa mar kale qoray

” Shaqo adag oo aan sannado badan ku taageeraynay xasiloonida , la dagaalanka Argagixisada iyo budhcad badeeda Soomaliya iyo dedaalo horumarineed oo aanu ka geysanay Jabuuti iyo Somaliland , iyo sidoo kale xidhiidhka siyaasiga ah ee aan ka dhex samaynay Itoobiya Iyo Eretria , waxaa uu Imaaraadku ku kasbadey inuu noqdo saxiib laga qadariyo Geeska Africa , Horuumad na ka ah Joogitaanka Carbeed ee gobalka Muhiimka ah ” ayuu yidhi