AKHRISO:- Kenya oo ka hadashay Weraar Alshabaab ku qadeen Ciidankeeda

0

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay Waaberigii hore ee saakayto weerar ku qaadeen Xero ay Boliska Kenya ku leeyihiin Tuulladda Cameey oo ka tirsan Degmadda Libooya una dhow Xuduudka Somalia.

Taliyaha Boliska Garissa, Joshua Chepchieng oo Weriyayaasha maanta kula hadlay Garissa ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ay 2-dii habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay soo weerareen Xeradda Boliska Maamulka (AP) ku leeyihiin Deegaanka Cameey.

Waxa uu tilmaamay inay iska caabiyeen Weerarkaasi oo uu xusay inay soo qaadeen ku-dhawaad 20 Alshabaab oo aad u hubeysan.

Waxa uu sheegay inay hayeen Xogta Weerarka Alshabaab qorsheeyeen inay ku soo qadaaan Xeradaasi iyo Xarumo kale oo muhiim oo ku teedsan Xuduudka.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Garissa, waxa uu beeniyey warar sheegaya in qaar ka mid ah Saraakiishi ku sugnayd Xeradda la dhaawacay ama ay Alshabaab horey u sii kaxeysteen.

Dhinaca kale, Weerarkii Alshabaab xalay ku qaadeen Degmadda Libooya waxay ku burburiyeen qeyb ka mid ah Taawerka Shirkadda Telefoonka Safaari ee laga leeyahay Kenya.