Akhriso:-Kenya Oo Baadi Goobeysa Sarkaal Ay Ku Weyday Weerarkii Libio

0

Saraakiil ka tisran Booliska Kenya ayaaa sheegay in ay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan Sarkaal ka tirsan Ciidamadooda oo lagu waayay weerarkii Al Shabaab ay shalay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Libio ee xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Divid Kerina oo ah taliye sare oo ka tirsan Booliska Kenya ee maamulka Gaarisa ayaa xaqiijiyay in uu jiro Sarkaalkaasi oo lagu wayaay weerarkasi, islamarkaana ay haatan ku howlan yihiin howlgal lagu baadi goobayo Sarkaalkaasi.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in weerarkaasi ay Ciidamadooda Kenya uga dhaawacmeen illaa 4 Askari oo uu sheegay in dhaawacyadoodu ay yihiin kuwa fudud, islamarkaana ay ka hortageen weerarkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Al Shababaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada xoogan oo ay ka filiyaan gudaha dalkaasi.