DHAGEYSO:- Musharax Madaxweyne Puntland 2019 oo ka hadlay wuxuu qaban doono

0

Maxamed Axmed Jaamac Shaalle oo horey uga mid ahaa Saraakishii horre ee dowladii Siyaad barre iyo sido kalena ah Prof ku nool dalka Maraykanka ayaa Caawa Waraysi uu siyaay Allgalgaduud wuxuu sheegay in uu yahay Musharax madaxweyne Puntland sanadka 2019.

Shaalle oo ayaa sheegay in Markuu arkay Xaaladda dalka uu kujiro in lagula taliyeey dad baddana kula taliyeen madaama uu yahay Aqoonyahan Somaliyeed Aqoona u leh dalka iyo Arrimaha Amniga inuu isku sharaxo Kursiga Madaxtinimadda Puntland.

Wuxuu ka shekeyaay Taarikh nololeedkiisi halku waxbarashadiisa ku soo qaatay iyo Tababarada uu so qaatay intuu ahaa Saraakishii dowladii Allaha u naxariiste Maxamed Siyaad barre.

Dhinaca wuxuu sheegay hadii loo doorto Madaxweynaha Puntland in uu wax ka qabanayo Nabadgaliyadda iyo Arrimaha dhaqaalaha,isagoo sheegay in siyaasad an la dhisi karrin hadii an la haysan dhaqaale iyo Ciidan.

Arrimaha la xiriira Canshuuraha ayuu ka hadlay ,isagoo shaaciyaay in loo bahanyahay in shacabka laga qaado canshuur macquul ah oo shacabku ku qanacsanyihiin si loo suggo Amaanka,isago sheegay in shacabka loo bahanyahay in xananayntooda laga war hayo oo laga shaqeeyo Hormarkooda.

Ugu dambeyn wuxuu shaalle sheegay in musharaxnimadiisa ay tahay Qaylo dhaan ku wajahan Dadka Somaliyeed meel walba oo ay jogaan,kuna dheehantahay Dacadnimo,isago sheegay in Puntland ay noqoto midii Somaaliya dib usoo celisa.