DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland iyo xubno kale oo gaaray gobolka sanaag

0

Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag u tagay sidii ay u damin lahaayeen colaada ka taagan degmadaasi, xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo beeleed.

Wafdi madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa culimo iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland, dhamaantoodana waxaa ay qeyb ka qaadanayaan Xalinta dagaal beeleed ka tagaan degmada Ceel afweyn ee gobalka Sanaag.

Tirada xubnaha tagay Degmada Ceel Afweyn ayaa waxaa ay gaarayaan 66 Xubnood, waxaa ayna degmada ka bilaabeen in ay kulamo la qaataan dhinacyada ku dagaalamaya degmada Ceel afweyn ee gobalka Sanaag.