DHAGEYSO:-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u digay Garsoorayeyaasha dalka

0

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashi Yuusuf Axmed ayaa sheegay in shaqada laga ceyrin doono garsoore walbo iyo cid walbo oo ka shaqeysa Maxkamadaha dalka ee lagu helo arrimo la xiriira musuq maasuq.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in garsoorka uusan ahayn meel dhaqaale badan laga helo balse ay tahay meel loogu cadaalad falo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in cidii dooneysa iney dhaqaalo ka hesho garsoorka iney raadsadan shaqooyin kale oo ay ka tagaan shaqada garsoorka,