Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema saarka Recep Tayyib Erdogan

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa u gudbay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga.

Xaflada Caleema saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maalinta berri ka dhacaya Ankara, waxaana ka qeyb galaya madax badan oo ka socota dalalka caalamka.
Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweyne Erdogan.

Dhamaadkii bishii June ayay aheyd markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha Turkiga, kaddib doorasho ka dhacday dalkaas oo aheyd tii u horeysay oo hal mar la doorto Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Nidaamka cusub ee dalka Turkiga uu yeeshay ayaa ka dhigay Erdogan mid awood badan leh oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa soo magacaabayaa Madaxweyne kuxigeenka dalka, golaha wasiirada iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa 5-ta sanno ee soo socota.