DHAGEYSO:-Xiliga uu furmi doono Kalfadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

0

Mid ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in Maalinta Isniinta ee Todobaadkaan Gudihiisa uu furmi doono Kalfadhiga Shanaad ee Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana ay Xildhibaanada ay sii wadan donaan shaqooyinka horyaala Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uuna sidoo kale Xildhibaanka Tilmaamay in Kalfadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ay si wada jir ah furi doonaan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.