DHAGEYSO:-Dowladda soomaaliya oo dalka dibadiisa u qaadi doonta dadkii ku dhawacmay qaraxii muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxyadii iyo Weerarkii Al-shabaab ay ku qadeeyn Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa,si Xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in Ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda Al-Shabaab.