DHAGEYSO:-Cabdirisaaq Cumar Maxamed ”Ciidamada Xasilinta Sharcidarro ayay Ku Dhisan Yihiin”

0

Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga,Siyaasada iyo sida uu u arko dhismaha Ciidamada xaslinta Caasimadda ee ka howlgalla Muqdisho.

Wasiir C/rasaaq waxaa uu sheegay in waddooyin la xiro aan lagu keeni Karin Amniga Magaalada Muqdisho,loona baahanyahay qorshe lagula dagaalamayo Shabaabka weerarada Fulinaya,walina dowladda aysan la imaan qorshahaas,ciidamada Xasilinta oo aan u rooneyn shacabka ayuu sheegay inaan laga sugeyn amni xaqiijin maadaama ay dilal u geysteen dad maati ah oo aan waxba galabsan kadibna aysan jirin cid loo raacdo dhibka ay geystaan.