Al-shabaab oo Ciidamo ka tirsan Dowlada ku weeraray deegaanka Qalimow

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Qalimow ee gobolka SH/Dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya oo halkaas ku sugnay xiliga la weerarayay.

Inta la xaqiijiyay 1 Askari oo ka tirsanay Ciidamada dowlada ayaa ku dhintay tiro intaa ka badan waa ay ku dhaawacmeen, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen warbaahinta

Al-shabaab ayaa baraha warkooda ay ku faafiyaan ku  sheegay in khasaaro ay gaarsiiyeen askar ka tirsan Dowlada Soomaaliya ku sugnaa degaanka Qalimow ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Degaanka Qalimow oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay dagaalo iyo weeraro jid gal ah oo Al-shabaab iyo Ciidamada dowlada u dhaxeeyay.