Boqor Buurmadow Oo Shaaciyey Inuu Wado Cusub Oo Siyaasadeed

0

Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in uu soo waddo majare siyaasaddeed oo cusub dhawaanna daboolka ka qaadi doono mawqifkiisa kadib xadhigii lagula kacay isla markaana uu warbaahinta la hadali doono bishan marka ay dhamaato .

Boqor Buurmadow oo hadal ka jeediyey madal meher oo toddobaadkan ka dhacay magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen siyaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka WADDANI Xirsi Cali X Xasan, Wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta wakhtigii xukuumadda Siilaanyo Cali Mareexaan, iyo xildhibaan Aareeye waxa uu sheegay in uu bog siyaasadeed oo cusub furi doono.

“Maanta waxaad aragtaan Xirsi awalba hore ayuu u sii joogee Cali Mareexaan in uu ka soo jeedo [isku saf] ana ciddaan ahay ogaado waaniga xaggan ka jeeda, markaas halkan uun baanay noqonaysaa. waanan hadlayaa [saxaafadda] laakiin shuwaalka ayaan is dhaafinayaa, nin xadhigii yaraa ku baqanaya ma ahi,” Sidaas ayuu yidhi boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow sida uu sheegay

Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ah madaxda dhaqanka ee inta badan ku lug leh siyaasadda ayaan la ogayn in siyaasadda uu soo wada noqonayso mid ka dhan ah madaxweyne Biixi.

Buurmadow ayay xidhay xukumadda madaxweyne Biixi waxaanu ku soo baxay cafis madaxweyne. Muddada uu xidhna wuxuu ku calaacalay in madaxweyneyaashii hore xidhi jireen isaga oo mucaarad ah laakiin, madaxweyne Biixi xidhay isaga oo muxaafid ah.

Waxa xusid mudan in uu dhawr jeer soo jeediyay in madaxweyne Biixi beeshiisa ku soo wareejiyo guddoomiyenimada Kulmiye taas oo dadka siyaasadda odorosaa u nisbeeyeen xadhigiisa inkasta oo lagu eedeeyay in u u Qaranimada ka hor yimid.