WAR CULUS :- Dagaal Dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo Alshabaab

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogag ka tiran ururka Al-shabaab ku dhexmaray deegaan hoostaga degamada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano hubeysan oo ka tiran Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ay ku lahaayeen halkaasi.

Labada dhinac ayaa waxa ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus oo deegaano gobolka ka tirsan laga maqlayo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay iska caabiyeen raggii weerarka soo qaaday, waxayna tilmaameen in ay khasaare gaarsiiyeen Shabaabka.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen weerarkan in ay geysteen rag iyaga ka tirsan, ayna ku dileen ilaa Saddex askari, kana qaateen qoryihii ay lahaayeen iyo mooto ay ateen.