TOP NEWS:- Madaxwayne Farmaajo oo Jabuuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda.

0

Madaxwaynaha JFS ayaa hambalyo u diray dawladda Jabuuti iyo shacabkeeda, taas oo ku aadan xorriyadda dalkaas oo maanta 41-sano jirsatay.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxwaynaha JFS ayaa xusay in xiriir walaaltinimo oo qoto dheer inuu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo aan sin aba loo hilmaami Karin.

Jabuuti waxa ay ka xorayday gumaystihii Ingiriiska 1977-dii, waxaana Soomaaliya oo xorriyadda kaga horaysay ay kaalin wayn ku lahayd dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ee dalkaas ka socday.

Mudadii burburka Jabuuti dhinaceeda waxa ay door wayn ka qaadatay dawlad dhisidda Somaaliya, waxaana ay wali qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya.