SAWIRRO:- Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

0

Kulanka dhex maray Wasiir difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo saraakiisha howlgalka midowga Yurub ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay dardargelinta howlaha tabbarada ee Midowga Yurub ee siiyo ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub gaar ahaan qeybta tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee loo yaqaaano EUTMS EUROPEAN UNION TRAINING MISSION OF SOMALIA, ayaa wasiirka gaashaandhiga dalka u sharxey halka uu marayo howlaha tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guulaha arrintaas laga gaaray.

Mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, ayaa midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa, ka codsaday Howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka Soomaaliya in ay labo laabaan howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale la wadaagay qorshaha cusub ee uu doonayo in lagu hago dhabbaha loo marayo tayeynta ciidanka xoogga dalka, maadaama uu dhowaan xilkaas uu qabtay.

Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhankooda wasiirka difaaca ugu mahad naqay wada shaqeynta cusub ee u balan qaaday, ayagoo tilmaamay in ay sii wadayaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka gaashandhigga Soomaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa kormeerey waaxiyaha wasaaradda isagoo la kulmay shaqaalaha ka howlgala wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ku booriyay shaqada qaranka u hayaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo waqtiga shaqada la soo galay iyo marka laga baxayo.

Kormeerka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda iyo howl wadeeno kale oo ka tirsan wasaaradda.