DHAGEYSO:-Gudoomiye Saleebaan Gaal,”Puntland Walaalayaalow Waa Idin Baryaynaa Dagaalka Joojiya Wiil Dambe Yuusan Inaka Dhiman

0

Gudoomiyaha golaha guurtida maamulka Soomaaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa Puntland ka baryey inaysan dhiig dambe ku daadin gobolka Sool ayna joojiyaan ciidamada ay ku soo daabulayso deegaanka Tukaraq.

Waxa uu sheegay in maamulka Hargaysa uusan diyaar u aheyn Dagaal kale oo ka dhaca Jiidaha Dagaalka ee Gobalka Sool, ayna Doonayaan Nabad iyo Wada-hadal, Isagoona ka Codsaday Madaxda Dowladda Puntland inay u Ogalaadaan inay ku Nooladaan Nabad, oo ay ka Daayaan Dagaalka.