DHAGEYSO: Cabdirashiid Janan oo sheegay inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al Shabaab

0

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Cabdirashiid Janan) ayaa warbaahinta gudaha dalka u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda lagu amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah falaagada Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay degaanaddii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Ammaanka ay ka qabsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in falaagada Al-Shabaab loogu taggo saldhigyadooda.

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka ayuu ugu baaqay in ay ilaaliyaan dadka Shacabka ah Xilliyadda ay ku jiraan howlgallada.

Isku soo wada duuboo Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegayay inay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shaabab ka dib markii ay kordheen Weerarada Al-Shabaab ka geystaan degaanada Jubbaland.

HOOS KA DHAGEYSO