DHAGEYSO:-Xildhibaano ka digay in la hakiyo deeqaha gargaarka ee la siiyo Somaliland

0

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka soo jeeda maamulka Somaliland ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gargaarka ee Beesha Caalamka ay sida gaarka ah u siiso Somaliland.

Senator Nuuro Faarax Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay isku raacaan in la jaro deeqaha la siiyo Somaliland.