DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo Garowe ka furay Shir looga hadlayo Isgaarsiinta

0

Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ka furay shir looga hadlayo Isgarsiinta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay Isgaariinta Shaqsiga ah taasoo uu sheegay inay wanaagsantahay Shirkada Isgaarsiinta inaysan Hoostagin Dawlada Basle ay haboontahay in la sameeyo qolo si gooni ah ula socota.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay Haboontay in la dhiso gudiyo si gooni ah ula xisaabtama Tayada isgaarsiinta maadama ay shirkaduhu wixii loogu talagay wax ka badan saarayaan markii shay laga hirgaliyo Deegaanada Soomaaliyeed.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in Shirkadaha isgaarsiinta ay yihiin Caqabado soo kordhay isagoo tusaale u soo qaatay 5 Shirkadood oo isku deegaanka ka shaqeeya kuwaasoo aan is waci karin.