DHAGEYSO:-Ciidamada Dowladda oo Amiir ka tirsan Al-Shabaab ku Gowracay Degmada Qoryooleey

0

Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xoghayaha degmada Qoryooleey ee Maamulka Koofur Galbeed Ibraahim Malable Ibraahim ayaa waxa uu ku sheegay iney dileen afar ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday ee ka tirsaneed Al-Shabaab waxaana ku jira Amiir ka tirsan Al-Shabaab.