SAWIRRO:- Howlgalka AMISOM Oo Saraakiil Booliis Ah Geyneysa Saldhigyada Muqdisho

0

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada qorsho 16 ka mid ah Saldhigyada Booliska Muqdisho lagu geynayo Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

16 Sarkaal ee loo qorshyeeyay  in mid kasta la geeyo  Saldhigyada Muqdisho ayaa waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyey Magalada Muqdisho,kuwaas oo Saldhigyada lagu wareejin doono.

Saraakiishaas ayaa Shaqadooda waxa ay noqon doontaa in ay dabagal iyo la socodba ku sameeyaan Shaqada Booliska Soomaaliya oo ay horay ugu tababareen dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo qorshohoodu yahay in ay saraakiisha bixiyaan  tababarrada lagama maarmaanka ah ee Booliska Soomaaliya,sida in ay siiyaan Saraakiisha Booliska ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Soomaaliya ayaa waxaa jooga Ciidamo boolis ah oo ku howlgalla Magaca AMISOM,kuwaas oo aan muuqan Shaqooyinka ay qabtaan marka laga reebo tabarada ay siiyaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.