Akhriso:-Golaha Iskaashi dowlad goboleedyadda oo ka hadlay go’aanka lagu hakinayo deeqaha gaarka ee la siiyo Somaliland

0

Golaha Iskaashi dowlad goboleedyadda ayaa waxa ay war kasoo saareen Go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku hakisay deeqihii la siin jiray Somaliland.

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Maamul goboleedyadda ayaa lagu sheegay in ay si weyn u taageerayaan Go’aankii Wasiirka Qorsheynta Jamaal uu ku hakiyay deeqihii Beesha Caalamka ay siin jirtay Somaliland.

War saxaafadeed ku qornaa Afka English-ka ayaa lagu sheegay in aan la aqbali karin in si gaar ah deeqaha loo siiyo Maamulka Somaliland.