Akhriso:-C/raxmaan C/shakuur oo qoraal ka diyaariyey siyaasiyiinta Soomaalida iyo Ethiopia

0

Siyaasiga mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo dowlada Ethiopia oo heshiis la gashay Somalia, isla markaana saaxiib isaga dhigta Somalia.

C/raxmaan C/shakuur waxa uu sheegay in Ethiopia ay tahay dowlad cadow ah waxa uuna tusaale usoo qaadanayaa cadeymo uu horay usoo arkay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA OO DHAMEYSTIRAN.

Siyaasigga Soomaaliyeed markii uu mucaaradka yahay, Itoobiya waa cadow soo jireen ah oo aan ogolayn in ay Soomaaliya lugaheeda ku istaagto, waa dawlad Kirishtaan ah oo rabta in ay aduunka afhayeen inooga noqoto, laakiin markii uu xukunka helo, Itoobiya waa deris lama huraan ah,waa walaal, waa dal Muslinku badanyahay, waa bog cusub, waa taariikhi. Sababta durbadii soo muuqata waa kursi xajisasho iyo xukun jacayl, laakiin mid kale oo aan ka dhicin ayaa jirta.

Professor Eritrean ah oo Jaamacada London wax ka dhiga oo aan dhowr iyo toban sano horteed sheeko wadaag ahayn, aadna u daneeya siyaasada Geeska Afrika, ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu i waydiiyey, imisa xarun cilmi baaris ayaa Soomaaliya ku taala oo Arrimaha Itoobiya lagu derso? waxaan ku iri fili maayo in ay hal xarun xitaa jirto. Dagaaladii ka horna ayuu I yiri ? Ma maqal meel Arrimaha Itoobiya lagu derso ayaan ugu jawaabay. Inta uu aad u yaabay ayuu yiri oo hadaba sideed Itoobiya u fahamtaan? Waxa dagaal idin dhexmaray, xiriirka nabad iyo colaadba leh muxuu ku salaysanaa?. Waxaan ugu jawaabay, xaallada xiligaa taagan iyo wixii Ilaaheey naga garadsiiyo.

Wuxuu igu yiri Cabdiyow, sidaan caqli gal maaha ee Itoobiya waa dal aad deris tihiin shar iyo kheyrba waa in aad derastaan Itoobiya oo aad si fiican u fahamtaan. Maalintaas ka dib waxaan shakhsi ahaan si aad ah isugu hawlay in aqriyo, lana socdo arrimaha Itoobiya iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee dalkaas.

Itoobiya si fiican ayey inoo taqaaan, laakiin inagu ma naqaan. Shucuubta Geeska Afrika waxay dani ugu jirtaa nabad ku wada noolaasho, is ixtiraam iyo is qadarin, taasina ma dhici karto inta go’aanka siyaasiga uu ku dhisanyahay dantiisa gaarka ah, caadhifad iyo aqoon la’aan. Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa bahda Akadeemiyada Soomaaliyeed meel kasta oo joogaan in ay arrinkaas gacan ka gaystaan.