SAWIRRO:- Guddiga doorashooyinka Puntland oo ka hadlay Arrimo Xasaasi

0

-Caasimadda Garoowe ee Puntland waxaa lagu soo gabagabeeyay Kulan wadatashi ah oo mudo Labo Maalmood u socday Guddiga doorashada Puntland, Wasaaradaha arrimaha gudaha, Hay’adda Bulshadda rayidka ah ee PUNSAA, Hay’adaha maamul wanaaga , iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadda.

Kullanka talada wadaaga ah oo ay soo qabanqaabisay dallada PUNSAA waxaa lagaga hadlyay sida ugu haboon ee loo dardargalin kar nidaamka doorashooyinka dimoqraadiga ah ee Puntland, Waxaana laga Soo Saaray War-murtiyeed loo dhan yahay.

Gabagabadii, Kullanka waxaa hadalo kooban oo tilmaamaya muhiimada ay leedahay in Puntland ay ka hirgasho nidaamka dimoqraadiga ee doorashooyinka qof iyo cod, ka jeediyay Guddoomiye Ku-xigeenka PUNSAA Mustafe Abdullahi Abdi, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga doorashada, Maxamud Soofe Xasan iyo Faadumo diiriye oo ka mid ah Guddiga dimoqraadiyanta PUNSAA