XOG:- Muuse Bixii oo Booqanaya Tukaraq iyo degaano kale

0

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii la doortay uu ugu bixi doono deegaanada Barrie e Maamulka soomaaliland.

Wararka ayan helayno aayaa waxa ay sheegayaan in safar dhinaca hdulka ah uu uga bixi doono Hargeysa,isla markaana uu tegi doono Magalada Burco iyo deegaano kale oo ay colaadi ka taagan tahay.

Wariyayaal ku sugan Hargeysa ayaa waxa ay sheegeen in safarkiisa uu maalmo qaadan doono,isaga oo sidoo kale tegi doono deegaanka Ceel-afweyn oo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo dagaal uu dhexmaray.

Ka hor safarkiisa Madaxweyne muuse Biixi ayaa la filayaa in uu isku-shaandyen ku sameeyo golihiisa Wasiirada,isla markaana ay xilalkooda weyn doonan qaar ka mid ah Wasiirada Maamulka Soomaaliland.