TOPNEWS:-Imaaraadka oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay Usoo Safraan Soomaaliya

0

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa loogu digay Muwaadinta dalkaas in ay u safraan 13 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Digniinta dhinaca socdaalka ah ee imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay xaaladda amaan ee dalalkaas oo aad u xun.

Dalalka laga digay ayaa kala ah Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria,Koofurta Suudaan,Syria,Ciraaq,Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa Xumaaday bilowgii sanadkaan kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay laaleen heshiiska Dekadda Magaaladda Berbera Taasi oo dhibaato badan keentay

Sidoo kale Imaaraadka ayaa joojiyay taageeradii uu siin jirey Dowlada Federaalka Soomaliya,wuxuu xirey Saldhigii uu ku lahaa Magaaladda Muqdisho iyo Xarun Caafimaad.