Dagaal Beeleed ka dhacay degmada Balanbal.

0

Wararka naga soo gaarayo degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud ayaa soo sheegayo in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada xaafado ka mid ah degmadaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo Laba Maleeshiyo beeleed oo wada daga degmada Balanbal ee gobalka Galgaduud, waxa uuna daba joogaa dil shalay ka dhacay Gudaha Balanbal.

Si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ku dhintayn dagaalkii xalay dhacay.

Beelahaan oo muddo dheer dagaalamayay ayaa xiisadooda dib usoo cusboonaatay mana jirto cid kala dhax gashay ilaa hada dhinacyada dagaalamaya.