TOP NEWS:- Madaxweynaha JFS Farmaajo oo Addis-Ababa uga qeyb galaya shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xaaladda amni ee Koonfurta Suudan.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-Ababa kaga qeybgalaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.
Hoggaanka IGAD ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha casuumaaddii shirka, waxaana la filayaa in wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan Addis-ababa 21 bisha.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa Madaxda Ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koofurta Suudaan oo ay kasoo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is fahan la’aan soo dhex gashay Madaxda Dalkaas.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan koofurta suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaallo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Diblomaasiyiin Soomaaliyeed u saartay Sidii ay ugala qeyb qaadan lahaayeen Diblomaasiyiinta kale ee ka socda Gobolka Geeska Afrika xal u raadinta dhibaatooyinka ka taagan Koonfurta Suudaan.

Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa u howl-galaya inay xog u ruurin ku sameeyaan duruufaha ka jirta Koonfurta Suudaan, islamarkaana iyagoo la wadaagaya xogtaas dhiggooda Dalalka kale ee IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda sida gaarka ah dadaalka ugu bixinaya in la baajiyo dagaal ka dhacay Koofurta Suudaan, maadaama Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin dalkaas.