DHAGEYSO:- Madaxweynaha Hirshabeelle oo taageeray heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Dr. Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu ka hadlay heshiisyadii dowldaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen 16-kii bishan, heshisyadaasi waxaa qeyb ka ahaa in la maalgelinayo Afar Dekedood.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Waare in heshiisyadaasi ay yihiin kuwa waxtar badan u leh labada dowladood, isaga oo Madaxda labada dhinac ku ammaanay ka guul gaarista heshiiskan.

“Annaga hadaanu nahay Hirshabeelle xuduud ayaan ku naalnaa, aad ayaan u soo dhaweyneynaa heshiisyada Dekedaha ku saabsan, si ay u timaado isdhexgal, waxaa imaanaya in la helo shaqooyin iyo mustaqbal, hadii laga mira dhaliyo heshiisyadan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada Dekedaha mid ka mid ah in ay tahay mida Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle.

“Waxaan aaminsanahay kuna hawlgaleynaa, afartaas Dekedood mida ugu horeysa ay tahay tan Cadale oo ay maamusho Hirshabeelle, waxaa noo qorsheysan in Dekedaas ay noqoto mid adeegyo badan laga helo oo faa’idooyin u leh maamulka.” Ayuu markale yiri Waare.