Beesha Caalamka, dowladda soomaaliya iyo Jubbaland oo Shir uga socdo Kismaayo

0

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, Kuwa AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha caalamka ayaa diirada lagu saarayaa Howlgalada ka soconaya deegaanada Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanada Gosha oo ay howlgalo xoogan ka wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo aysan la socon AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu shirka socday Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku amaanay howlgalada guulaha badan laga gaaray oo ay ka wadaan Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanka Baarsan-guuni oo dhawaan ay ka saareen Al shabaab, wuxuuna Ciidamada AMISOM ugu baaqay inay ku biiraan Howlgaladaasi si loo adkeeyo Nabad gelyada loogana saaro Nabad diidka ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.

la soco wixii soo kordha