QORMO:- Dadka Somaliyeed oo dal iyo dibadba ku Midoobay badbaadinta dalkoda

0

Dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ah oo gacmaha is haysta iyagoo midaysan.

Dalkeenu waxa uu ku yaal meel istaraatiiji ah,oo ah marin isku xira qaaradaha aduunka,oo ay isaga kala gooshaan maraakiibta iyo diyaaradaha caalamku. Dalkeenu waa irada ay qaarada Aasiya kasoo gasho afrika. waxa uu leeyahay dalkeenu laba badood oo kala ah bada cas iyo bad weynta hindiya.

Waxaa maalin walba mara xeebta Boosaaso iyo Barbara boqolaal maraakiib oo wada badeecooyinkala duwan oo malaayiin lacag ah.waxaa dadka soomaaliyeed kufilan dakhliga ay calaamarkab ka qaadaan,nasiib daraso marinkaa waxa dunidu ku martaa si bilaash ah maadama dadkii soomaaliyeed lahayn dawlad arintaa xalisa mudo ku dhaw nus qarni.

Xiitaa xiliyadii aynu dawlada ahayn,aqoon yarida iyo badawnimada dadkeena darteed maynaan ka faa iidaysan jirin marinka badeena ee dunidu isticmaasho si bilaash ah halka dawlada masar oo leh bada cas qayb kamid ahi uuga faa iidaysatay marinkaa.waxaan filayaa in aan ku baraarugi doono arinkaa isaga ah.

Buuraha taxana ah ee silsilada golis waxaa ku jira qaybo leh macaadin sida dahabka.dalka uugu xeebta dheer afrika ayaynu nahay,mana lihin warshado soo saara khayraadka kaluunka iyo cuntada bada oo u dhoofiya dibada.dhul aad uwayn oo fidsan ayaan leenahay oo ku bahaboon beerashada waxaana mara wabiyo durduraya iyo ilo biyo ah mana beerano oo majirto qamadi iyo bariis iyo digir iyo galay iyo masago iyo khudaar aan u dhoofino dibadaha nasiib daro,xiitaa masoo saaro dhoof iskaba daaye wax dadkeena gudaha baahitira,oo dadkeenu waa gaajoonayaan yaabka la arkay.

Dhulkeena xaga bada iyo barigaba waxaa kabuuxa shidaal.Hadaba shisheeyuhu waxa uu dareen san yahay khayraadka dhulkeena,waxaana hoosta laga xariiqay in laga faa iidaysto,sitaa loo helana,waxaa la burburiyay dawladnimadii soomaaliyeed. kadibna dadkii waa la qixiyay waxaana loo dhoofiyay wadamada reer galbeedka. in tii hartayna dagaalaa lagu dhameeyay iyo in wadamada dariska ah loo qixiyo.

Waxaana booskii soomaalidu ka qaxday lasoo dajiyay si tartiib tartiib ah dad ethiopian ah oo loogu tala galay in ay dalkan dhaxlaan,ku milmaan soomaalida kadibna hantaan dalka,waxaana arintaan wada dawlada ethiopia iyo dalal carbeed iyo wadamada reer yurub ee dhulkeena shalay kala qaybiyay.

Ethiopia waxay dalkeena hada kusoo galaysaa qaab ganaacsi oo ay dalkeena ku xalaashanayaan mustaqbalka.Ethiopia oo waligeedba ku taamaysay sidee ay u hanan lahayd dhulka soomaaliyeed ayaa u aragta rajo usoo dhawaatay maadama dawlad jirin soomaaliyeed mudo nus qarni ah,oo soomaalidu iska tahay beelo iyo qabaa ilo jifo jifo ukala xiran oo col isu ah dhexdoodu. Arimahana waa arimo mudo aad u dheer laga shaqaynaayay.

Hasa yeeshee maanta dalkeenii sidii cadawgu la doonaayay way u noqon wayday,waxaana inoo dhashay dawlad fadaraal ah oo soomaaliyeed. Dadkii soomaaliyeed dal iyo dibad waxay ku baraarugeen dalkoodan la dhaxlayo si farsamaysan oo aan xoog ahayn.waxay ogaadeen in wadamo badan garab kusiinayaan ethiopia in ay lawareegto dhulkeena. Soomaalidu dawladii dhexe iyo maamul goboleedyadii gacamahay is qabsadeen wayna fahmeen dhagarta dalkooda lala maagay.

Waxay ku dhaarteen oo ka go an in ay dawlad soomaaliyeed dhisaan oo taabo galiyaan iyagoo isu tanaasulay dhexdooda.maanta madaxdeenii gacmaha ayay is haystaan waxayna difaacayaan dalkeena iyo dadkeena la dhaxlayo oo la rabo in la liqo. shacabkii soomaaliyeed waxa uu fahmay intaynu qabiil qabiil iyo gobol gobol isu haysanay oo isu dilaynay in laynaga faa iidaystay oo dalkeenii an lala wareego uu qarka usaaran yahay. Tani waxay keentay in la baraarugay lawalaaloobay,looguntaday in la difaaco diinta dadka iyo dalkaba.

Maxaa yeelay hadaynaan dawladnimo soomaaliyeed taageerin dalkeena waa la dhaxlayaa,dawlad ayaana kaa celisa dawlad. soomaaliya dawlad bay leedahay jirta cadawgeenu waa inkirsan yahay arintaan. waxaase guul ah maanta dal iyo dibad in soomaaliya garab istaagtay oo xajinayso dawladnimadeeda macno noo samayn mayso yaa madax ah waxaase macno samaynaysa dawlad soomaaliyeed oo jirta oo difaacda dadka iyo dalkeena soomaaliya.

Soomaalidu waa dad ah isku diin,isku dad,isku isir,isku af,isku dal,lamana kala qaadi karo.dadka soomaaliyeed waxaan uugu mahad celinayaa siday uugu baraarugeen inay noqdaan dawlad jirta oo xoogleh oo dalka oo dhan hanata oo difaacda dhaxalka ubadkeena oo ah dhulkeena bad iyo bari iyo cirba. Ethiopia waa dawlad,kenya waa dawlad,laakiin soomaaliya dawlad maha inama qabato waana ceeb iyo gunimo wayn soomaaliyeey walaalayaal.

Sadex hadaadan ahayn oo dan aaminin noloshaadu qiimo malaha aduunkana waxaad ka ahaan qof liita oo la yaso la quudh sado oo gun ah.

1.Dalkaagu waa soomaaliya waa hal iska diid in lakala goo gooyo lakala qaybiyo kufaan hal dal oo soomaaliya ah in aad leedahay taasaa kugu filan qiimana aad ku leedahay.

2.Diintaadu waa islaam suni ah iska diid firqo firqo waxaa kugu filan muslim suni ah ku faan xajiso difaaco.

3.Dadkaagu waa Soomaali iska diid kala qoqob,gobol gobol qabiil qabiil jifo jifo.ku faan soomaalinimadaada iskula waynay iyadaana kugu filan.

Waxaan leenahay hal diin,hal dal,hal calan, hal af,hal dhalasho,hal madaxweyne,diida waxa intaa kabadalan ee gumaysigu wado isagoo adeegsanaya kuwo inaga ah oo soomaali ah oo dabadhilif ah cadaw ah iimaan aan lahayn. ogoow dir waa walaalkaa,daarood waa walaalkaa,hawiye,waa walaalkaa,digil iyo mirif waa walaalkaa,jareer weyne waa walaalkaa,reer xamar banaadiri waa walaalkaa,midgaan waa walaalkaa, kuligood waa islaam kuligood waa soomaali kuligood waa muwaadin kula leh dhulka,kuligood waa isku af,shaydaan iyo cadaw shisheeye aan arki karin soomaali dawlad ah oo leh dal oo nool oo haysata nabad iyo nolol ayaa ina soo dhex galay oo dadkeenii gaar siiyay heer ay is xasuuqaan is baabi iyaan mudo sodon sanadood ah.

Madoonayaan in aynu dawlad ahaano,soomaali ahaano,dhulkeena ku noolaano,sharaf yeelano.dawlad iyo dal waliba sideena oo kale waxay leeyihiin qabiilooyin iyo gobolo laakiin waxaa kawayn oo ay fahmeen in ay yihiin qowmiyada oo ay ka tageen qabiilka.qabiil dawlad maha qoowmiyad baa larabaa.waxaynu nahay qowmiyada soomaaliyeed oo xor ah.waxaan umada soomaaliyeed ee caqliga cadawgu ka xaday illaahay uuga baryayaa in ay ka xoroobaan gumaysiga oo ay gartaan diintooda dalkooda iyo dadkooda.hormar iyo dawladnimo buuxda illaahay hasiiyo soomaali si ay ubadkooda soomaaliyeed ugabaxaan ciilka iyo mustaqbal xumada haysata iyagoo xaq u leh in sida caruuraha asaagooda ah ay helaan nabad iyo nolol iyo dawladnimo ay ku faanaan oo aduunka wax kula qaybsadaan.

W/Q Yuusuf Cumar