Madaxweyne axmed madoobe oo Shir Gudoominaya Kulan deg deg ah oo ka socda Madaxtooyada Jubbaland

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jubbaland uu kulan deg deg ah isugu yeeray Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland.

Kulankaan oo hadda ka socda Madaxtooyadda Jubbaland ayaa ah mid diiradda lagu saarayo sidii loo xaqiijin lahaa Ammaanka degaanada maamulka Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe , waxaana ku sugan dhammaan taliyeyaasha Ciidamada Jubbaland iyo sidoo kale Wasiirro ka tirsan Jubbaland.