DHAGEYSO:-Madaxda hir-shabeelle oo lagu edeeyay in ay Mas’uul ka yihiin Amni darada ka jirta Hir-shabeelle

0

Wasiir ku Xigeenkii hore Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha Diinta ee Maamulka Hir-shabeelle C/Casiis Cabdi Samad ayaa sheegay in amni darada ka jirta xiligaan wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ay sababteda lee yihiin Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabeelle,madama sida uu tilmaamay aysan mas’uuliyad iska saarin sidii ay Amni darada ka jirta Wadadaasi ay ugu hortagi lahayen,waxa uuna xusay in Madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-shabeelle ay indha ka qabsadeen dhibaatooyinka iyo weerarada Al-shabaab ay ka geysanayaan Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar sida uu hadalka u dhigay.