DHAGEYSO:- Koox Burcad ah oo dhac ka geeystay degmo kamid ah Muqdisho

0

Xilliyada habeenkii ayaa waxaa xaafado ka tirsan degmada dharkenley ee Gobolka Banaadir ka bilaawday dhac ay geysanayaan rag hubeysan oo la sheegay in ay dadka guryaha ugu galayaan.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Xaafad u dhow Saldhiga degmada Dharkenley ayaa waxa ay sheegeen in kooxaha hubeysan ee burcada ah todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo bateen xaafadaas,isla markaana ay yihiin kuwo dadka guryaha ugu galayaan kuna labisan dareeska Ciidamada dowladda.