DHAGEYSO:- Agaasimaha Warfaafinta Puntland oo ka hadlay Xaalada Gobolka Sool iyo Qorshaha Dagaal ee kaga Aadan Puntland.

0

Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta Boostada Hidaha iyo Dhaqanka ee dawlada Puntland oo ku sugan gobolka Mudug ayaa maanta kormeer ku maray xarumaha dawlada ee ku yaal magaalada Gaalkacyo.

Mowliid Abuukar Abkey Agaasimaha wasaarada ayaa Waraysi uu siiyey Warbahinta wuxuu uga hadlay Kormeerkiisii gobolka Mudug iyo Sidoo kale Qorshaha dawlada Puntland ee dagaalka Gobolka Sool.

Agaasimaha Mowliid ayaa soo hadal qaaday Gudi ay u magacaabeen Xiisadaha Coladeed ee gobolka Sool iyo Dagaal ay dawladu ugu magac dartay Onkod kaasoo qorshuhu yahay in lagu Xoreeyo gobolka Sool.