DHAGEYSO:- Diyaarado Duqeyn ka geystay Deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in saakay ay halkaasi ka dhacday duqeyn Diyaaradeed taas oo ka dhalatay khasaaro nafba iyo maalba leh.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa ay u sheegeen in duqeyntaas lala eegtay dhammaan Xaafadaha deegaanka Ceel-Cade,isla markaana ay sababtay dhaawaca dad shacab ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka la hadalay Warbaahinya ayaa waxa uu sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo uu ku jiro cunug yar iyo laba qof oo waaweyn kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Isku soo wada duuboo degaanka Ceel Cade ayaa waxaa gacanta ku haya oo ka taliya ururka argagixisada ah ee Al Shabaab.

HOOS KA DHAGEYSO